bg_image

Masuuliyadaha Waaxda Maamulka Iyo Maaliyadda.

1. Hubinta, Diyaarinta, kaydinta iyo ku shagaynta Misaaniyadda dawladda Hoose ee Degmada.

2. Diyaarinta, Xafidaadda, iyo kaydinta dhokumentiga Xisaabxidhyada la xidhiidha maamulka Xisaabaadka iyo Misaaniyadda.

3. Maamulka iyo ilaalinta hantida iyo Qalabka Bakhaaradda iyo Xafiisyada.

4. Kaydinta iyo la socodka dhokumentiga la xidhiidha qandaraasyada ay dhinac ka tahay Dawladda Hoose ee Degmada Gabiley.

5. Diwaangelinta hantida guurtada iyo tan ma guurtada ah ee Dawladda Hoose ee Degmada.

6. Dalabka Daabacaada, kaydinta Buugaagta lacag qabashada iyo qaybinta Cashuuraadka, Shidaalka iyo Bakhaarada.

7. Is barbar dhigga gorshaha Dakhliga yo kharashka bil walba.

8. Diyaarinta Xisaab-xidhyada, Bileed, Saddex bilood, Lix Bilood iyo Sannadkii.

9. Soo iibinta Alaabta, Diiwaangelintooda iyo kaydintooda.

10. Hubinta soo xeraynta Dakhli maalmeedka, bileedka iyo kan Sannadka.

11. Hubinta soo xeraynta Buugaagta Iyo tigidhada la isticmaalay iyo Kaydintooda.