bg_image

Xilka Waaxda Arimaha Bulshadda

1. Hirgelinta mashaariicda iyo dhismayaasha.

2. Dayactirka Dhismayaasha Dowladda Hoose ee Degmada.

3. Hawlgelinta yo dayactirka Gaadiidka, Guryaha, Xafiisyada, iyo qalabka Dawladda Hoose.

4. Soo gudbinta baahidda Gaadiid Cusub, Dayactirka iyo xanaanaynta jidadka, Beeraha Nasashada, garoomada iyo fagaarayaasha Caanka ah.

5. Soo diyaarinta gorshe maalmeedka, shidaalka, Saliidaha yo xaydhaha Gaadiidka, matoorada iyo galabka culusi u baahan yihiin.

6. Maamulka Hoosooyinka, Geerashyada iyo qalabayntooda.

7. Ku dhaganka qorshaha iyo jaangoynta Dhulka, iyadoo la raacayo nagshada Guud (Master Plan) ee magaalada.

8. Ku dhaganka shuruucda iyo Xeerarka maamulka Dhulka.

9. Diwaangelinta ogolaanshaha lahaanshaha mulkiyadaha, dhismayaasha ma guurtada ah ee dadweynaha, arrimaha Dhul bixinta iyo kormeerka Dhulka.

10. Ilaalinta iyo daryeelka dhulka danta guud ee ku jira naqshadda guud, iyadoo la raacayo xeerka maamulka dhulka magaalooyinka.

11. Jaangoynta yo Gacan ku haynta dayactirka dhismayaasha Golaha Degmada, Xannaanaynta jidadka, goobaha nasashada, garoomada, Dugsiyada, rugaha Caafimaadka, Rugaha kawaanada (iyo Istaamada Gaadiidka) I.W.M.

12. Ka talo bixinta khilaafaadka ka yimaada jagooyinka dhulka magaalooyinka farsamo ahaan.

13. Qorshaynta iyo isku dheelitirka Basaska, Tagaasidda, Iskarogooyinka yo Gaadiidka xammuulka dadweynaha saldhigyadooda, Gaadhi Dameerada iyo Dadka maritaankooda iyo Calaamadaha la xidhiidha.

14. Samaynta iyo diyaarinta calaamadaha la xidhiidha Nabadgelyadda wadooyinka iyo muujintooda.

15. Habaynta yo dejinta Calaamadaha Ganacsiga ivo xayaysiinta (Commercial Sign Boards).

16. Samaynta, diyaarinta iyo rakibaadda tirarka laydhka waddooyinka, Aarkooyinka, xarumaha nasashada, goobaha Dabaaldegyada iyo munaasibadaha.

17. hubinta, Farsamadda, badbaadada galabka korontoda, Telfoonada, shidaalka iyo ka hortagga khatarta dabka.

18. Habaynta ivo kala duwida bulaacadaha, biyo mareenada, dhuumaha Biyaha, saagiyadaha iyo adeegyada mara dhulka hoostiisa iyo oogadiisaba.

19. Keydinta Mulkiyadaha yo Dhokomantiga la xiriira Dhul bixinta iyo Diwaangalintooda.

20. Hubinta, iswaafajinta Naqshada iyo Qaabka Dhul bixinta.

21. Sameynta ivo Hubinta Jidadka, Wadoo Sakadaha, iyo Lambarintooda.

22. Tirakoobka, Diwaangalinta iyo lambarinta dhismayaasha Dadweynaha iyo Dawladda.

23. Astaynta iyo Tilmaamidda Goobaha Danta Guud ee ku jirta naqshadda guud.

24. Dib u habeynta Naqshadaha Dhismaha iyo jaangoynta Cabirka Dhulka iyadoo 100 kala saaraayo raqamadda kala ah A, B, C iyo D si Qof waliba itaalkiisa u dhisto.

25. Dejinta Iyo Sameynta Qorshaha horumarinta Ee Degmada.

26. Dabdemiska, Qurxinta iyo Bilicsamida Magaalada.